Dhammaan kharashyada la oggol yahay ee la xiriira mushaharka waxaa lagu maalgeliyaa lacagaha barnaamijka. Kharashyadan waxaa ka mid ah mushaharka shaqaalaha, canshuuraha mushaharka loo-shaqeeyaha, iyo caymiska shaqo la'aanta.
Ka-qaybgalaha ayaa mas'uul ka ah bixinta Lacagta Bukaanka sida ay go'aamiso Waaxda Adeegyada Bulshada. Fiiri qaybta "Lacagta Bukaanka" si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.
CDCN iyo DMAS ma bixin doonaan adeegyada aan buuxin shuruudaha, oo ay ku jiraan laakiin aan ku xaddidnayn xaaladaha sida:
- U-qalmitaan la'aanta Medicaid ama Ka-dhaafitaanka
- Shaqaale ku guuldareystay baaritaanka Diiwaanka Taariikhda Dembiyada sababo la xiriira dambi caqabad ku ah
- Shaqaale ku guuldareystay hubinta diiwaanka xadgudubka iyo dayaca carruurta
- Shaqaale lagu magacaabay Liiska Xogta Shakhsiyaadka/Hay'adaha ee Federaalka ee laga reebay
- Shaqaale shaqeynaya in ka badan tirada saacadaha adeegga ee la oggol yahay
- Saacadaha loo gudbiyay CDCN in ka badan hal sano ka dib taariikhda la shaqeeyay.