Hadda oo aad tahay shaqo-bixiye, waxaad heli kartaa warqado ama foomam. Warqadahani waxay ka imaan karaan IRS, Waaxda Canshuuraha ee Virginia, iyo Guddiga Shaqada ee Virginia. CDCN waxay codsanaysaa in waraaqahan loo diro CDCN laakiin waxaa loo diri karaa cinwaanka Loo-shaqeeyaha. Inta badan warqadaha waxaa loogu talagalay macluumaad oo keliya mana aha inaad tallaabo qaaddo. Haddii aad qabtid su'aalo, wac Adeegga Macaamiisha ee DCCN; waxaa laga yaabaa inaan ku weydiisanno inaad fakis, iimayl ama boostada noogu soo dirto dukumeentiga.